Saturday, July 27, 2024

Waxbarashada gobolka Amxaarada oo dib loo furay 6 bilood kadib

Addis Ababa (Dawan)- Kadib hakad dheer oo ku yimid dugsiyada waxbarasahda ee gobolka Amxaarada, waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in dib loo furo 33 dugsi oo isagu jira Hoose, Dhexe iyo Sare oo ku kala yaala 10 degmo oo ka tirsan deegaanka Goojam ee gobolka Amxaarada.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Waxbarashada Amxaarada, dugsiyadan ayaa u xirnaa muddo lix bilood ah arrimaha la xiriira amniga gobolka.

Xafiisku waxa uu intaas raaciyay in go’aan lagu qaatay wadatashiyo lala sameeyay waalidiinta, macallimiinta, iyo ardayda.

Dugsiyada laga billaabay waxbarashada ayaa ku yaal kaliya magaalooyinka, waxaana hadda socda dadaalada lagu doonayo in dib loo furo dugsiyada ku yaal goobaha miyiga ah.

Magaalooyinka Dejaan iyo Debre Markos, waxaa si gaar ah u saameeyay dagaalka joogtada ah ee ka socda gobolka kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo Jabhadda Fano.

Bishii la soo dhaafay, Nurilgn Berhanu, oo ah maamulaha aagga bari ee Gojam, ayaa shaaca ka qaaday in iskahorimaadka millatari uu sababay in in ka badan 500,000 oo arday ah ay awoodi waayeen in ay waxbarasho helaan.

Horraantii October 2023, Xafiiska Waxbarashada Amxaarada ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad 3.9 milyan oo arday oo ka mid ah lixda milyan ee xaqa u leh in ay helaan waxbarashada dugsiyada Hoose iyo Dhexe in aysan awoodin inay helaan waxbarasho colaadda awgeed.

Si kastaba ha ahaatee, bilihii la soo dhaafay, maamulka gobolka Amxaarada ayaa qaaday tillaabo dib loogu soo celinayo habsami u socodkii waxbarashada gobolka, waxaana lagu guuleystay in 60% ardayda dugsiyada Hoose ay helaan waxbarashadoodi halka 55% ardayda dugsiyada Sare ay hadda aadaan dugsiyadooda guud ahaan gobolka Amxaarada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here