Saturday, July 27, 2024

Henry Kissinger diblomaasigii ugu caansanaa Mareykanka oo ku dhintay da’da 100-aad

Washington (Dawan)- Henry Kissinger, oo ahaa dublomaasigii ugu sarreeyay Maraykanka xilliyadii maamulkii Nixon iyo Ford, inta badan noloshiisana kaalin muuqata ka soo qaatay dowladnimada Maraykanka, ayaa Arbacadii geeriyooday isaga oo 100 jir ah.

Kissinger, oo ah Yuhuudi ka soo qaxay Naasiyiintii Jarmalka, isla markaana loo aqoonsan yahay inuu yahay Xoghayahii Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ugu saamaynta badna, ayaa lagu tiriyaa inuu ka dambeeyey isu soo dhawaanshihii Maraykanka iyo Shiinaha ee keentay in uu Madaxweyne Richard Nixon dooqasho taariikhi ahayd ku tago Beijing sannadkii 1972-kii.
Kissinger ayaa sidoo kale kaalin weyn ka qaatay billaawgii xiriirka Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti, taas oo keentay yarenya iyo xadeynta loolaalnkii u dhaxeeyay labada dowladood ee xilligaas ugu awood badnaa caalamka.

ANKARA, TURKIYE (ARCHIVE): A file photo dated May 22, 1975, shows former US Secretary of State Henry Kissinger during an official welcoming ceremonhy upon his arrival in Ankara, Turkiye. Polarizing Cold War US statesman Henry Kissinger dead at 100. ( Necdet Onur – Anadolu Agency )

Marka laga soo tago inuu ahaa xoghayahii arrimha dibadda ee Mareykanka inta u dhaxeysay 1973-1977 ee Madaxweyne Nixon iyo Madaxweyne Gerald Ford, wuxuu sidoo kale Kissinger ahaa lataliyaha amniga qaranka 1969-1975.

Laakin dhaxalka Kissinger ma ahayn mid loo wada riyaaqo, waxa uuna dowr muuqda ku lahaa duqeyntii Mareykanka ee Cambodia iyo duulaankii 1970-kii ee lagu qaaday Koonfurta Vietnam, isaga oo ku muteystay cambaareyn ballaaran oo uga timid gudaha Mareykanka iyo adduunka oo dhan.

Duqaynta iyo duulaanka Mareykanka waxaa looga dan lahaa in lagu dumiyo khadadka sahayda Waqooyiga Vietnam, taas oo keentay in bambaanooyin lgu qiyaasay in ka badan 2.7 milyan oo tan in lagu tuuray dalka dhaca Koonfur Bari ee Aasiya, sida uu diiwaan geliyay Matxafka Holocaust ee Mareykanka.
Ka sokow dhimashada baaxadda leh ee rayidka iyo dagaalyahannada, in badan oo ka mid ah bambooyinka lagu tuuray Cambodia waxay sababeen dhimashada iyo naafeynta dadka rayidka tobaneeyo sano ka dib markii uu dhamaaday dagaalki.

ANKARA, TURKIYE (ARCHIVE): A file photo dated May 22, 1975, shows former US Secretary of State Henry Kissinger during an official welcoming ceremonhy upon his arrival in Ankara, Turkiye. Polarizing Cold War US statesman Henry Kissinger dead at 100 ( Necdet Onur – Anadolu Agency )

Cunta kariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Anthony Bourdain ayaa uga sheekeeyay buugiisa soo baxay 2001 ee lagu magacaabo A Cook’s Tour: Global Adventures in Extreme Cuisines, kaalintii uu ku lahaa xasuuqa dadka Cambodia.

Geerida Kissinger waxaa lagu xaqiijiyay qoraal lasoo dhigay mareegtiisa gaarka ah, waxaana ka tacsiyeyay madax isagu jirta Mareykan iyo caalamaka kale.

Waxaa kale oo Kissinger lagu dhalleeceeyay gacantii iyo taageeradii uu siiyay madaxdii kalioog talsika ahaa ee Latin America, si looga adkaado siyaasiyiintii bidixda xilligii dagaalkii qabooba, sida garab istaagii kaligii taliyihii Chile, Augusto Pinochet ka dib markii musharraxa hantiwadaaga ku guuleystey codbixintii dalka iyo taageeriddii ciidamadii afgambiga ee Argentina 1970-meeyadii.

ANKARA, TURKIYE (ARCHIVE): A file photo dated May 22, 1975, shows former US Secretary of State Henry Kissinger during council of ministers meeting in Ankara, Turkiye. Polarizing Cold War US statesman Henry Kissinger dead at 100. ( Necdet Onur – Anadolu Agency )


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here