Saturday, July 27, 2024

Hirshabeelle mise Galmudug yaa qaadi doona koobka M/Goboleedyada?

Muqdisho (Dawan)- Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa galabta ku ballansan in ay wada ciyaaraan kulanka kama dambeysta koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhici doona garoonka Stadium Muqdisho.

Hadal heynta xamaasadda ciyaarta ayaa saacadihi lasoo dhaafay qabsatay Baraha Bulshada iyada oo la arkay sida ay taageerayaashu u muujiniyeen kooxda ay la rabaan guusha.

Diyaayr garoow xoogan ayaa laga dareemaya dhammmaan dhinacyada kala duwan sida laamaha amniga, xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, Wasaaradda Ciyaaraha, labada Maamul ee isagu soo haray finaalka ciyaarta iyo guud ahaan dadka jecel ciyaaraha kuwaas oo subaxnimadii maanta la arkayay iyaga oo kusii socda garoonka.

Guddoomiyaha xirirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, Cali Shiine ayaa ugu baaqay dhammmaan kasoo qeyb galayaasha iyo taageerayaasha labada dhinac in ay muujiyaan deganaan si koobku ugu dhamaado guul loogana baaqsado rabshado kale oo dib u dhiga ciyaaraha

Koobka Maamul Goboleedyada ayaa dhowr jeer dib loo dhigay sababa la xiriira fowdo ka dhacday garoonka ciyaaraha iyada oo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed uga baxay tartanka kadib markii lagu xad gudbay qaar ka mid ah ciyaartooydooda

Maamul Goboleedaka Puntland ayaa uga maqan tartanka sababo la xiriirka khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya maamulkaas iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

Maamul Goboleedka Hirshabeele waxa uu kasoo badiyay Jubbaland halka Galmudug ay kasoo badisay Banaadir oo heysatay koobkii ugu dambeeyay ee la qabtay sannadkii 2020.

Maamul Goboleedka Galmudug waxa uu markii labaad oo xiriir ah imaanaya finaalka tartanka halka Hirshabeele ay u tahay marki koowaad oo ciyaaraan kama dambeysta tartanka Maamul Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaate waxaa adag in la saadaaliyo cidda ay guushu raacdi doonto maadaama ay Labada Maamul Goboleed hore u galeen bareejo ciyaartii furitaanka tartanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here