Saturday, July 27, 2024

R/W Xamsa oo beddelay Wasiiradii Beeraha iyo Howlaha Guud

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa is beddel kooban ku sameeyay xukuumaddiisa kadib markii uu xilka ka qaaday Waiiradii Beeraha iyo Howlaha Guud.

War-saxaafadeed u aqriyay af-hayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka, Axmed Madoobe Nuunow, laguna beddelay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hore uga soo mid noqday xukuumadihii isaga dambeeyay dalka.

Sidoo kale, waxaa xilka laga qaaday Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Ismaaciil Sheikh Bashiir iyada oo lagu beddelay Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu faray mas’uuliyiinta la magacabay in ay xilalka la wareegaan si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday loona dardargeliyo howlaha xukuumadda ee hortebinta leh.

Isbeddelka lagu sameeyay labada Wasaaradood ayaa kusoo aadaya iyda oo ay bannaanyihiin weli Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga oo ay iska casilleen Abshir Cumar Jaamac iyo Maxamed Shiikh Axmed Cali  iyo Wasaaradda Haweenka oo ay ka geeriyootay Khadiija Maxamed Diiriye.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here