Saturday, July 27, 2024

Jubbaland oo digniin cuusb kasoo saartay saameynta Daadadka

Kismaayo (Dawan)- Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ka digtay dhibaatada laga cabsi qabo in ay ka dhalato roobabka xooggan ee ka da’aya deegaanada Jubbaland iyo khataraha ka dhalan kara daadadka.

Biyaha wabiga Jubba, sare ayey aad ugu kaceen. Waxaa jirta halis fatahaad oo aad u sarraysa taas oo ka dhici karta hareeraha wabiga ee gobolka Gedo, dadka ku nool wabiga hareerihiisa waa inay ka digtoonaadaan fatahaadaha, si dakhso ahna ugu diyaar garoobaan, hubiyaanna badqabkooda, ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

Roobab xooggan ayaa ka da’ay saacadigii lasoo dhaafay magaalada Garbahaarrey, Luuq, Doolow iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Jubbaland, waxaana la filaya in roobabku sii socdaan maalmo kale, iyada oo laga casbi qabo in ay ka dhashaaan fatahaado dhibaato geysta.

Roobabka ka da’ay Jubbaland ayaa sababay dhimasho nafeed iyo barakaca boqolaal qoys kuwaas oo ay saameyn xooggan kasoo gaaratay daadadka, iyada oo sidoo kale ay xirmeen waddooyinkii la isaga gooshi jiray magaalooyinka .

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran, ayaa hore u sheegtay in laga casbi qabo roobab mahiigaan ah in ay ka da’aan gobollada Soomaalida ee Bari, Sool, Sanaag, Waqooyiga Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe kuwaas oo ay ka dhalan karto khatar.

Hay’adda ayaa ugu baaqday bulshooyinka ku nool gobollaadan in ay muujiyaan feejignaan kana digtoonaadaan fatahaadaha ka dhalan kara daadadka roobabka iyo Wabiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here