Saturday, July 27, 2024

Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya oo ku baaqay in xiriirka loo jaro Israel

Nairobi (Dawan)- Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya ayaa dowladda ugu baaqay in ay xiriirka u jarto Isarel, iyaga oo ku eedeyay in ay gashay dambiyo ka dhan ah bini aadanimada.

Cabdullaahi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Madasha Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya ayaa ku booriyay shacabka Kenya in ay garab istaag u muujiyaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool magaalada Gaza, isaga oo sheegay in dadkaas ay ku jiraan go’doon muddo ka badan 16 sano.

“Dowladda Kenya waa in ay xiriirka u jartaa Israa’iil, kalana soo baxdo Safiirka u jooga “ ayuu yiri, Cabdullaahi Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay Masjidka Jamia.

Hogaamiyaasha Muslimiinta ayaa ku tilmaamay duulaanka Israel ee Gaza inuu yahay xasuuq ka dhan shacabka Falastiin,waxeyna ugu baaqeeyn dowladda Kenta in ay arrintaan ka qaadato go’aan adag.

“Dhacdooyinka naxdinta leh ee ka socda Gaza, go’doominta lagu hayo magaaladaas, dhibaatada bini aadanimo iyo duqeymaha Isarel ee aan loo meel dayin, ma jiro wax lala barabar dhigi karo ama hore u dhacay” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya.

Bayaanka ayaa intaas ku daray “Waxaan ku baaqaynaa in xal waara oo dhab loo helo dhibaatada Falastiin”

 Dagaalka Israel iyo Kooxaha iskacaabita Falastiiniyiinta aaya galay maalintii tobanaad, waxayna Mas’uuliyiinta Israel ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan duqeynta inta ay ka cirib tirayaan Kooxda Xamaas.

Duqeymaha Israel waxaa ka dhashay dhimashada ku dhawaad 2750 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 700 oo carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 9042.

Qaramada Midoobay waxay caddeysay in Israel ay duqeymo ku burburisay in ka badan 1300 dhismo kuwaas oo ku yaal marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa duqeymo ballaaran ka geysanayaan goobo kala duwan oo ka tirsan marinka Gaza, waxeyna dhulka la simeen xaafado deegaan ahaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here