Wednesday, December 4, 2024

Hoggaamiye ka tirsan mucaaradka Uganda oo kasoo muuqday maxkamad milateri

Kampala (Dawan)- Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Kizza Besigye, ayaa maanta oo Arbaca ah ka soo muuqday maxkamad milateri oo ku taal Kampala, ka dib markii la sheegay in si qasab ah looga soo afduubtay Kenya. Arrintan ayaa kicisay muran weyn oo ku saabsan doorka Kenya iyo cadaadiska sii xoogeysanaya ee loo geysanayo mucaaradka Uganda.

Qareenkiisa, Erias Lukwago, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Besigye oo 68 jir ah lasoo taagay maxkamadda isagoo gacmaha ka xiran, islamarkaana ay ilaalinayaan ciidamo aad u hubeysan. Besigye wuxuu maxkamadda ka hor sheegay inuu yahay qof rayid ah oo aan la horkeeni karin maxkamad milateri, sidoo kalena aysan jirin wax dacwad ah loo haysto.

Besigye, oo horay saaxiib ula ahaa Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa afar jeer ku guul darreystay qorsha uu ku doonayay xilka madaxweynaha tan iyo 2001.

Xaaskiisa Winnie Byanyima, oo ah madaxa barnaamijka Qaramada Midoobay ee HIV/AIDS (UNAIDS), ayaa kusoo qortay barta ay ku leedahay X in saygeeda Sabtidii lagu afduubtay Nairobi xilli uu ka qeyb galayay xaflad lagu soo bandhigayay buug ay qortay siyaasiyadda mucaaradka Kenya, Martha Karua.

Dowladda Uganda ayaa bishii July xabsiga u dhaadhicsay 36 xubnood oo ka tirsan xisbiga Forum for Democratic Change (FDC) oo uu Besigye aasaasay, kuwaasoo laga masaafuriyay Kenya laguna eedeeyay falal argagixiso.

Afhayeenka dowladda Uganda, Chris Baryomunsi, ayaa sheegay inaysan wax lala yaabo ahayn in shaqsi laga soo xiro dowlad kale maadaama uu jiro heshiis ogolaanaya is dhaafsiga eedeysanayaasha, wuxuuna beeniyay in dad si qarsoodi ah loo afduubo.

Museveni iyo Besigye ayaa saaxiibo dhow ahaa intii lagu jiray dagaalkii 1980-meeyadii ee looga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Milton Obote, laakiin waxay noqdeen cadaw aan is arki karin kadib markii Besigye uu sanaddii 2001 isaga baxay xisbiga talada haya ee NRM.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here