Saturday, July 27, 2024

IGAD iyo UK oo soo dhaweeyay horumarka wada xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland

Jabuuti (Dawan)- Urur Ggoboleedka IGAD iyo Dowladda UK, ayaa soo dhaweeyey qodobadii kasoo baxay shirkii wada xaajoodka ee Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo labo maalin ka socday dalka Jabuuti.

IGAD iyo UK ayaa u arka qodobada shirka iyo heshiisyada la isku afgraty tillaabo muhiim ah oo loogu qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo xal u helidda khilaafyada ka dhax jira lbada dhinac.

“Waxaan soo dhaweyneynaa war-murtiyeedka la isku afgartay ka dib wada hadallo muhiim ah oo u dhexeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland. Waa Tillaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dib-u-heshiisiinta,” ayay lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda UK ee Soomaaliya.

Xoghayaha fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa isaguna dhankiisa soo dhoweeyay dadaallada ay wadaan labada dhinac, isaga oo qiray muhiimadda ay wada hadalladaan u leeyihiin xal u helidda cabashooyinka lagala qabo iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

“Waxaan soo dhaweynayaa dadaallada diblomaasiyadeed iyo wada hadllada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka dhacay dalka Jabuuti toddobaadkan, waxaana adkeynaya muhiimadda ay leedahay in hab nabadeed iyo wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafaadka iyo cabashooyinka ka jira Gobolkeena iyo meelaha kaleba,” ayuu yiri, Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD.

Shirkii Jabuuti uga socday Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 8 qodob, oo a ugu muhiimsanaayeen in muddo 30 maalin ah la isla meel dhigo arrimaha masiiriga, in laga wada shaqeeyo sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Gobollada ay colaaddu ka jirto iyo la iska ilaaliyo hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara hannaan socodka wada xaajoodaka labada dhinac.

Heshiisku waxa kale oo uu xooga saaray in si wada jir ah loo fuliyo heshiisyadii hore ee la gaaray intii u dhaxaysay 2012 iyo 2020 xilligii lagu guda jiray wada hadaladii lagu qabtay Turkey, London, iyo Jabuuti.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in loo tix geliyo Dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii Dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Madaxweynae Xasan Sheekh ayaa magcaabay ergay qaabilsan arrimaha Somaliland si loo sii amba qaado dariiqooyinka xal loogu heli karo qaddiyaddaan soo jiitamaysay sannado badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here