Saturday, July 27, 2024

IGAD oo ka shireysa xiisadda Badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Jabuuti (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu seegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu casuumaad u fidiyay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD si ay uga soo qeyb galaan shir aan caadi ahayan oo dhacaaya 18- bishaan January.

Shirkaan oo ay marti gelineyso Dowladda Uganda ayaa looga hadli doona xiisadda kusoo korortay Gobolka ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal deg-deg ah looga gaaro.

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhax galay Dowladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya kadib markii ay Itoobiya kula heshiisay Somaliland in ay hesho 20 KM oo Bad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya  ayaa hore uga dalbatay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iskaashiga  islaamka, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo  saaxibada kale ee daneeya xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba iyaga oo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisanyihiin gudanayana waajibka loo aas-aasay in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here