Saturday, July 27, 2024

In ka badan 10 qof oo ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay Kenya

Nairobi (Dawan)- Sida la xaqiijiyay 12 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay waddada u dhexeysa magaalooyinka Kisumu iyo Bondo ee Kenya.

Dadka dhaawucu soo gaaray ayaa loola cararay isbitaalka deegaanka Bondo ee ismaamulka Siayam si lool tacaalo dhibaatada soo gaartay.

Baabuurka ay rakaabkan saarnaayeen oo ka yimid Bondo kuna wajahnaa Kisumu ayaa waxaa ka dillaacay mid ka mid ah taayarradiisa taas oo keentay in uu gaarigu ka baxo waddada, ka hor inta uunan rogman, waxa sidaas la wadaagay warbaahinta Guddoomiyaha Tuulada Ajigo, Emily Awimbo, isaga oo intaas ku daray in aysan jirin wax dhimasho ah.

Madaxa isbitaalka Bondo, Dr. Michael Oduor ayaa dhankiisa sheegay in labo ka mid ah dhaawacyada la geeyay isbitaalka ay aad u culus yihiin, halka kuwa kale ay yihiin dhaawacyo fudud oo dhaqsa uga bixi kara isbitaalka.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii hal qof uu ku dhintay shil ka dhacay meel u dhow xarunta ganacsiga ee Akala ee waddada xiriirisa Bondo iyo Kisumu.

Sidoo kale, bishii hore, Shan qof ayaa ku dhimatay, tira kalena way ku dhaawacmen shil gaari oo ka dhacay waddada wayn ee xiriirisa Nairobi iyo Mombasa gaar ahaan aagga Kambu oo ka tirsan deegaanka Kibwezi ee ismaamulka Makueni.
Shilalka gawaarida ayaa ku badan Kenya, waxeyna galaaftaan sannadkii nolosha dad badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here