Saturday, July 27, 2024

In ka badan 100 qof oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay Nepal

Nepal (Dawan)- Ugu yaraan 128 qof ayaa ku dhintay in ka badan 200 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.4 uu ku dhuftay galbeedka dalka Nepal, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska dalkaas.

Afhayeenka Booliiska Nepal Kuber Kadiat ayaa u sheegay wakaalada Anadolu, Khasaaraha ka dhacay labada degmo ee ugu waaweyn galbeedka Nepal.

“Hadda, tirada dhimashada ee degmada Jajarkot waxay gaartay 92-qof, Galbeedka Rukumna waxaa ku dhintay ugu yaraan 36-qof, waxaa laga yaabaa in dhimashadu ay kororto,” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Ra’iisul wasaaraha Nepal, Pushpa Kamaal Dahal ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay khasaaraha nafeed iyo hantiyadeed ee ka dhashay dhulgariirka, wuxuuna tacsi u diray qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay.

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu faray hay’adaha dowladda in ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka ku dhibaatoobay dhulgariirka ku dhuftay dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here