Sunday, September 8, 2024

in ka badan 20 qof oo ku geeriyootay doon kula degtay xeebaha Turkiga

Ankara (Dawan)- Dhimashada 21 qof aya la xaqiijiyay ilaa iyo hadda kadib markii doon ay saarnaayeen tahriibayaal ay ku degtay shalay (Jimcihi) xeebaha gobolka Çanakkale ee galbeedka Turkiga.

Bayaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Çanakkale ayaa lagu sheegay in 21 meyd laga soo saaray badda oo ay ku jiraan 5 carruur ah, welina ay socoto baadi goobka loogu jiro dad kale.

Hawlgallada baadi goobka iyo samatabbixinta ayaa ka socda aagga ay doontu ku degtay, iyada oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, 18 doonyood, laba helikobtar, iyo kooxa kala duwan oo ka socda Booliska Badda, gargaarka degdegga ah iyo Maareynta Musiibooyinka.

Dalka Turkiga waxaa aad uga baxa tahriibayaasha doonaya in ay galaan qaaradda Yurub kuwaas oo ka soo jeeda dalalka Afrika iyo Carabta ee ay dagaalado ka socdaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here