Saturday, July 27, 2024

Qaramada Midoobay oo ansixisay qaraar ka dhan ah Islaam nacaybka

New York (Dawan)- Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay Jimcihii qaraar qabyo ah oo ku saabsan tillaabooyinka la qaadayo si loola dagaallamo Islaam nacaybka.

Codeynta Qaraarkan qabyada ah ayaa lagu soo beegay maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Islaam nacaybka, waxaana taageeray 115 dal, iyada oo ay ka aamuseen 44 dal, mana jirin dowlad kasoo horjeesatay.

Dowladaha ka aamusay, waxaa ka mid ah France, Britain, Germany, Italy, Greece, Sweden, Switzerland, Finland, Ukraine, iyo India.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladihii soo diyaariyay soona gudbiyay qaraarka qabyada ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu

Qraarka ayaa dhigaya in la cambaareeyo qoraallada dhiirigelinaya takoorka, rabshadaha iyo diin nacaybka loo qabo Muslimiinta iyo kitaabka Quraanka kuwaas oo lagu baahiyo dhammaaan warbaahinta kala duwan.

Qaraarku waxa uu ugu baaqaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, inuu magacaabo Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan La-dagaalanka Islaam nacaybka.

Qaraarka ayaa sidoo kale loogu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Qarmad Midoobay inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan tillaabooyinka dhinacyada sharciga iyo siyaasadda, si loola dagaallamo xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta.

2022, March, 15 waxaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay looga dhawaaqay “Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Islaam nacaybka” ka dib mashruuc qabyo ah oo ay soo gudbiyeen Turkiga iyo Pakistan oo wakiil ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here