Saturday, July 27, 2024

In ka badan 6 kun oo qaxooti  ah oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga  ee UNHCR ayaa sheegtay in 6,273 qof oo ah qaxooti Soomaali  ah kuna noola dalka Yeman ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda tan iyo sannadkii 2017-kii.

Hay’adda UNHCR  ayaa sheegtay in safarkii ugu dambeeyay ee kasoo baxa Yemen uu ahaa doon siday 150 qof oo kasoo baxday dekedda Cadan ee Koonfurta Yemen soona gaaraty dekedda Berbera Soomaaliya,  Axaddii lasoo dhaafay.

Hay’adda UNHCR  ayaa intaas raacisay in dadkaan kusoo laabteen go’aan iskood ah, hay’adduna ka caawisay dib ugu noqoshada dalkooda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda UNHCR   ayaa lagu sheegay in markii ugu horeysay 26 Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku noolaa Waqooyiga dalka Yeman oo ay ka taliyaan Xuutiyiinta  laga  caawiyay inay ka mid noqdaan dadka soo laabanaya ee doonta soo raacay.

Barnaamijkan  soo noqoshada waxaa fududeeyay UNHCR oo kaashanaysa hay’adaha samafalka ka shaqeeya  ee  Yemen iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka.

Yeman ayaa ah dalka seddexaad ee marti geliya qaxootiga ugu badan ee Soomaali ah, waxaana lagu qiyaasay tiradooda 71,000, oo qof sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga  ee UNHCR

Hay’adda ayaa ku ammaantay Yemen martigelinta ay u sameysay qaxooti badan oo ka yimid dhowr dal, waxeyna tiri “ Yemen waa dal in badan martigeliyay qaxootiga, waana dalka kaliya ee Jaziirada Carabta ka tirsan ee saxiixay heshiiska hab maamuuska qaxootiga”

Dadka Yemen waa dad ku fiican martigelinta qaxootiga balse dagaalladii ka socday dalka sannadihii lasoo dhaafay ayaa dhibaato geliyay nolosha qaxooti badan kuwaas oo la daala dhacaya inay daboolaan baahidooda asaasiga ah”  ayuu yiri, ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Yemen, Iraj Imomberdev

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer hore uga deyrisay nolsoha ay ku jiraan  qaxootiga Afrikaanka ah ee ku sugan Yemen kuwaas oo wajahaya xaalada nololeed oo adag.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegtay in dalka lagu soo celinayo muwadiniinta ku dhibaateysan dalalka shisheeye, waxaana ka mid ah dadka lasoo celiyay muwaadiniintii ku nooleed dalka Suudaan oo galay dagaal galaaftay nolosha dad fara baan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here