Saturday, July 27, 2024

Xulka Qaranka Soomaaliya oo garab istaag u muujiyay Marooko

Muqdisho (Dawan)- Xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliya ayaa garab istaag u muujiyay Dowladda iyo Shacabka Marooko kadib Dhul-gariirkii ku dhuftay dalkaas ee galaaftay nolosha dad fara badan.

Macallimiinta, ciyaartooyda iyo hwolwadeena kale ee xulka Qaranka ayaa qabtay munaasabad loogu duceynayay Shacabka Marooko ee Dhul-gariirku ku dhuftay habeenkii Jimcada ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub (UEFA) ayaa ku dhawaaqay go’aan ah in la aamuso hal daqiiqo ka hor billaabashada ciyaaraha ka dhacaya garoomada Yurub, si baroor diiq loogu muujiyo dadkii ku waxyeelloobay Duufaantii Liibiya iyo Dhul-gariirkii Marooko, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof.

Xiriirka UEFA ayaa kusoo qoray bartiisa ” X“Qalbiga kubbadda cagta Yurub wuxuu la jiraa dadka Liibiya iyo Marooko xilliyadaan adag.”

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ayaa dhawaan u magacaabay Rachid Lousteque oo kasoo jeeda dalka Marooko Macallinka Xulka Qaraanka Soomaaliya, waxaana laga sugaya inuu xulka u diyaariyo ka qayb galka isreb-reebka koobka CHAN oo la qaban doono bisha September iyo isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here