Saturday, July 27, 2024

Inter Milan oo horyaalka Seria A ku guuleysatay markii 20-aad

Milan (Dawan)- Inter Milan ayaa ku guulaysatay horyaalka Serie A markii 20-aad kadib markii ay 2-1 ku garaacday kooxda ay wada dhisanyihiin hal magaalo ee AC Milan taas oo ka dhigtay in kooxda uu hoggaamiyo Simone Inzaghi ay sanadki labaad oo xiriir ah qaado horyaalka Talyaaniga.

Min hal gool oo ay ay kala dhaliyeen Francesco Acerbi iyo Marcus Thuram labada qeyb ee ciyaarta ayaa Inter u suura geliyay hanashada koobka, inkasta oo Fikayo Tomori uu u dhaliyay kooxdiisa AC Milan gool soo daahay.

Ciyaarta ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay gashay xaalad adag, waxayna ku qasabtay garsoorihii ciyaarta inuu bixiyo seddex kaar oo casaan ah oo la kala siiyayTheo Hernandez iyo Davide Calabria ( Milan) iyo sidoo kale ciyaartoyga Inter ee Denzel Dumfries

Inter oo hal mar kaliya laga badiyay xilli ciyaareedkan horyaalka ayaa 17 dhibcood ka sarreysa Milan oo ku jirta kaalinta labaad iyadoo shan kulan ay ka harsan tahay dhamaadka horyaalka Seria A .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here