Thursday, July 17, 2025
Array

Iraan oo qabatay markab siday in ka badan 2 milyan oo litir oo shidaaal ah.

Xukuumadda Iiraan ayaa qabatay markab shisheeye oo sidda in ka badan 2 milyan oo litir oo shidaal, iyagoo ku eedeeyay in uu qaadayo shidaal sharci-darro ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda ee IRNA.

Mojtaba Ghahremani, madaxa garsoorka ee gobolka Hormozgan ee koonfurta Iiraan, ayaa xaqiijiyay in markabka lagu qabtay Badda Cumaan sababo la xiriira dhibaatooyinka ku saabsan dukumentiyada sharciga ee la xiriira alaabta markabka. Markabkan waxaa lagu eedeeyay in uu qaadayo shidaal si sharci-darro ah.

Inkasta oo jinsiyadda iyo goobta uu markabku u socday aan la shaacin, dhacdadaan waxay soo jiidatay dareenka gobolka. Ghahremani ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan 17 qof, oo ay ku jiraan kabtanka iyo shaqaalaha markabka, ay baaritaano ku socdaan.

Mojtaba Ghahremani ayaa sheegay in Xukuumadda ay sii wadi doonto baaritaanka, kaas oo ka mid ah xaqiijinta dukumentiyada markabka, tijaabinta shidaalka, iyo xaqiijinta mugga alaabta. Garsoorka ayaa sheegay in natiijooyinka baaritaanka la shaacin doono marka ay helaan cadeymo ku filan.

Qabashada markabkan ayaa muujinaysa welwelka sii kordhaya ee la xiriira ka ganacsiga shidaalka si sharci-darro ah ee gobolka, iyadoo xukuumaddu ay tallaabooyin degdeg ah qaadaneyso sidii loo xakameyn lahaa ganacsiga sharci-darrada ah iyo ilaalinta ammaanka badda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here