Saturday, July 27, 2024

Sacuudiga iyo Faransiiska oo kala saxiixday heshiis dhanka meleteriga

Paris (Dawan)- Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu kala hadlay dhiggiisa Faransiiska, Sebastien Lecornu, xoojinta iskaashiga dhanka meleteriga, amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Wasiirka Difaaca Sacuudiga iyo dhiggiisa Faransiiska ayaa wada saxiixday heshiis ku saabsan hormarinta awoodda warshadaha hubka ee Sacuudiga iyo iskaashiga dhinaca cilmi baarista iyo horumarinta ee Wasaaradda Difaaca Sacuudiga iyo Wasaaradda Ciidamada Faransiiska

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa horey u baahisay in Amiir Khaalid bin Salmaan iyo wafdiga la socda ay booqasho rasmi ah ku tageen Magaalada Paris, taas oo salka ku heysa dardar gelinta uu dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna Ra’isul wasaaraha dalkaas Maxamed Bin Salmaan uu ku doonayo inuu ku xoojiyo awoodaha dhanka meleteriga Sacuudiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here