Saturday, July 27, 2024

Shil ay ku dhaawacmeen dad badan oo ka dhacay Kenya

Nairobi (Dawan)- Inta la xaqiijiyay 44 qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay deegaanka loo yaqaano Londiani ee Ismaamulka Kericho.

Dadkaan ayaa dhaawacmay kadib markii gaari ay saarnaayeen 66 qof oo rugmaday.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya ayaa sheegtay in 40 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shilka la geeyay isbitaalka Fort Tenarn, halka 4-ta kale loo qaaday isbitaalka wayn ee Ismaamulka Kericho.

Bartamihii bishii hore ayay ahayd markii ay 12 qof ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay waddada u dhexeysa magaalooyinka Kisumu iyo Bondo ee Kenya.

Shilalka gawaarida ayaa ku badan Kenya, waxeyna galaaftaan sannadkii nolosha dad badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here