Friday, October 18, 2024

Isticmaalka gawaarida korontada oo kusoo badanaya Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Isticmaalka gawaarida korontada ayaa kusoo badanaya dalka Itoobiya, iyada oo Wasaradda Gaadiidku sheegtay in tirada gawaarida koronta ee dalka laga soo dejiyay in ay kor u dhaaftay 100,000 oo baabuur.

Bareo Xasan, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Itoobiya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in adeegsiga gawaarida korontada uu kor u kacay kadib markii ay laga dhigamay canshuuraha laga qaado ganacsatada gaadiidleyda.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in isbedelka ku yimid shirkadaha soo saara gawaarida iyo dadaaladda ay sameynayaan maalgashayaasha dhiiri geliya deegaanka in ay qeyb ka yihiin adeegsiga sii kordhaya ee gawaarida korontada.

Bareo ayaa daaha ka qaaday in si loo daboolo baahida dadka adeegsada gawaarida korantada in Addis Ababa laga sameeyay 60 xarumood oo la kaarikeeyo gawaarida.

Wasiirka ayaa caddeeyay in qorshaha dowladda ay ku jirto in adeegyada gawaarida korontada la gaarsiiyo dhammaan magaalooyinka kala duwan ee dalka si looga faa’iideysato horumarka dhanka tiknoolijiyadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here