Monday, April 15, 2024

Maxey yihiin qodobada dhaliyay khilaafka ee lagu soo kordhiyay Dastuurka?

Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay dhameystirka Dastuurka kumeel gaarka ah gaar ahaan cutubyadiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad si ugu dambeyn loo ansixiyo Dastuur rasmi ah uu dalku yeesho.

Doodda ugu adag waxa ay ka taagantahay cutubka afaraad oo lagu sameeyay isbedel xoogan iyada oo lagu soo kordhiyay madaxyada ugu badan, qodobo cusub iyo farqooyin dheeraad ah marka lala barbardhigo cutubyada kale ee Guudiga Dastuurka usoo gudbiyay Baarlamanaka si looga doodo.

Dhamaystir mise bedelaad Dastuur?

Xildhibaan Caabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeedda hannaanka uu ku socdo dhameystirka Dastuurka ayaa yiri; “Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood”

Madaxweynihii kumeel gaar ahaa, Shariif Sheekh Axmed ayaa aaminsan in Dastuurku uu ku jiro mabaadi’da guud ee aan la bedeli karin, waxa uuna hoosta ka xariiqay in nidaamka xisbiyada badan uu yahay lama taabtaan.

Sidoo kale, Shariif waxa uu soo jeediyay in marka hore la dhiso Guddiga adeegga Dastuurka iyo Maxkamadda Dastuuriga kadibna loosoo jeesto dhamaystirka Dastuurka, isaga oo yiri; “Dastuurka waxa uu ku meel gaar ka baxaya marka afti dadweyne loo sameeyo, inta ka horeysa sidiisa ayuu ahaanaya”

Maxey yihiin qodobada la isku hayo ee wax laga bedelay?

Qodobada aad la isagu khilaafsanyahay ee la bilaabay ka doodistooda ayaa isagu jira kuwa ku saabsan maamulka doorashooyinka iyo xisbiyada dalka.

Dastuurka ku meel gaarka ah marka la fiiriyo gabi ahaanka cutubka afaraad wuxuu u qeybinayaa ilaa 2 Madax oo kala ah: Mabaadi’da Guud ee Matalaadda Shacabka iyo Nidaamka Doorashooyinka iyo Xisbiyada.

Isbedelka kadib waxaa cutubka afaraad ee Dastuurka lagu soo kordhiyay 2 madax taas oo ka dhigeysa inuu ka koobnaado ilaa 4 madax kuwaas oo kala ah; Mabaadi’da Guud ee Matilaadda Shacabka, Doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda iyo Maamulka Doorashooyinka.

1:Mabaadi’da Guud ee Matilaadda Shacabka: Dastuurka ku meel gaarka ah waxa uu tilmaammayaa awooddda shacabka ee la xisaabtanka cidda ay wakiisheen, iyo in ay aragtidooda ku darsadaan cidda ay dooranayaan, wuxuuna ka koobanyhay ila seddex farqo 

Qodobkaan wax ka beddel weyn laguma sameynin  balse waxaa lagu soo kordhiyey hal farqo oo ah in dowladdu ay   mas’uul ka tahay nidaamyada doorashooyinka Dowlad Goboleedyada iyo dhaqangelintoooda.

2: Nidaamka Doorashooyinka iyo Xisbiyada: Marka la joogo Dastuurka ku meel gaarka ah qodobkaan ma tilmaamayo waddooyin ama hanaan qoran oo loo marayo doorashooyinka balse taa beddelkeeda waxa uu awooddaa siinayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay u dejiyaan Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaran ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka.

Isbedlka kadib, qodobka Nidaamka Doorashooyinka iyo Xisbiyada waa la tiray gabi ahaanba iyadoo lagu bedelay ilaa iyo 5 qodob oo kala ah :Mabaadi’da Guud ee Doorashooyinka, Nidaamka Doorashooyinka, Hay’adaha sida tooska ah loo dooranayo, Muddada Xilhaynta iyo Codbixiyaha.

Mabaadi’da Guud ee Doorashooyinka: Qodobkaan oo ka kooban lix farqadood  ayaa dhigaya in laga fogaado wax kasto oo colaad iyo khilaaf keenaya xilliga doorashooyinka.

Nidaamka Doorashooyinka: Qodobkaan wuxuu qeexayaa in nidaamka doorashada dalka ay noqoto qof iyo cod iyadoo xeerka qof iyo codka uu soosarayo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adaha Sida Tooska ah loo Dooranayo: Qodobkaan waxa uu uu sharraxaya hay’adaha sida tooska ah loo dooranayo oo kala ah; Hay’adaha Dastuuriga sida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Kuxigeenka Dawlad Goboleedka oo looga jeedo madaxweynyaalka Dowlad Goboleedyada, Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka, iyo Golaha Deegaanka, Duqa magaalada iyo kuxigeenka Duqa ee Dowladaha Hoose.  

Hay’adaha heer deegaan ah waxaa dooran doona dadka deegaankooda halka kuwa heer Dowlad Federaal ah ay dooraan doonaan guud ahaan muwaadiniinta.

Muddada Xilhaynta: Qodobkaan ayaa xusaya in dhamaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee sida tooska ah loo soo doortay in ay xilhayntoodu tahay 5 sano, isla markaana hal mar la wada qabanayo xilli doorashadooda marka laga reebo Golayaasha deegaanka oo laga hormarinayo.

Codbixiyaha: Qodobkaan waxa uu tilmaamaya qofka muwaadinka ah ee xaqa  u leh inuu is duiiwaan geliyo  si uu wax u doorato iyada oo shuruud looga dhigay da’da 18 jir, waxaana ka mas’uul ah diiwaan gelinta Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Sidoo kale qodobkan wuxuu xusayaa dadka aan xaqa u lahayn in la diiwaan geliyo oo ay codeeyaan kuwaas oo ay ku jiraan dadka aan dhimirkoodu dhammeyn iyo qof maxkamad ay codeynta ka mamnuucday .

3: Xisbiyada Siyaasadda: waa madaxa seddexaad waxa uuna u qeyb samaa ilaa iyo 3 qodob oo kala ah; Kaalinta Xisbiyada Siyaasadeed, Shuruudaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Tartanka Xisbiyada Siyaasadeed.

Qodobkaan waxa uu xisbiyada ka dhiga tiir ka mid tiirarka siyaasadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Shuruudaha Xisbiyada Siyaasadeedka: Qodobkaan waxa uu sharraxad ka bixinaya sida lagu noqon karo Xisbi Siyasaadeed iyo sida lagu wayn karo.

Qodobkan waxa uu uu kala qeybinaya tartanka xsbiyada laba qeyb oo kala ah; Tartanka urur siyaasadeedka Goloyaasha deegaanka  kaas oo dhamaan ururuda diiwaan gashan ay tartami karaan.

Tartanka labo urur siyaasadeed oo kali ah ku waas oo ku soo guuleysatay doorashadii ururadii goloyaasha deegaanka,   noqonayana labada xisbi ee kama dambeysta u tartamaya Golaha Shacabka, Aqalka Sare, xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Soomaaliya.

Qodobkan waa qodobka ugu badan ee khilaafku ka jiro, waxaana inta badan ka hor yimid siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo ka biya diidan in tartanka siyaasadda lagu koobo oo kaliya laba Xisbi oo mid yahay Xisbiga talada haya midka kalena yahay mucaarad.

4:Maamulka Doorashooyinka: waa madaxa afaraad sidoo kale madaxaan waa mid cusub.

Waxa qodobkan hoos imaanaya ilaa iyo 6 farqo oo kala ah: Dhisidda Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha , Xubnaha , Shuruudaha Xubnaha, , Muddada Xilhaynta iyo Xil-waayidda Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Si guud madaxan 4-aad ayaa caddeynaya tirada xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha  oo 15 ah ,mudada xilheyntooduna ay tahay lix sano oo aysan jirin wax cusbooneysiin ah.

Qofka ka mid noqonaya Guddigga Doorashooyina waa inuusan ka yareyn 40 sano, waxaana Baarlamaanka usoo gudbinaya Golaha Wasiirada si ay u ansixyeen kadibna Madaxweynaha ayaa saxiixaya.

Guudigaan ayaa shaqadiisu tahay maamulidda, diwaangelinta iyo wax kasto oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here