Thursday, July 18, 2024

Mashaariicda Beeraha Gash Barka oo ka qeyb qaadanaya horumarka Eritrea

Asmara (Dawan)- Mashaariicda Beeraha ee Waqooyi Bari ee Gobolka Gash Barka ayaa si weyn uga qayb qaadanaya horumarka dhanka ganacsiga iyo shaqo abuurka Eritrea, sida uu sheegay Gebrekal Arenyas oo ah maamulaha mashaariicda beeraha ee Hay’adda Xoolaha iyo Dalagyada.

Gebrekal ayaa iftiimiyay in mashaariicda beeraha ee Kerkebet, Afhimbol, Molober, Mogoraib, iyo Sawa in ay door muhiim ah ka ciyaarayaan kor u qaadista wax soo saarka beeraha, soo bandhigida tignoolajiyada cusub ee beeraha iyo sidoo kale abuurista fursado shaqo oo ay ka faa’iideysteen dadka ku nool deegaanadaas.

Maamulaha mashaariicda beeraha ee Hay’adda Xoolaha iyo Dalagyada ayaa intaas ku daray in ku dhawaad 700 oo qof ay shaqo ka heleen mashaariicda Kerkebet iyo Afhimbol iyadoo ay jiraan dad kale oo si ku meel gaar ah u helay shaqooyin kala duwan.

Dowladda Eritrea ayaa xoogga saarta mashaariicda beeraha iyo isku filnaashaha dhanka wax soo saarka kala duwan iyada oo laga faa’iideysanayo khubarada dhanka beeraha iyo dhulka ku habboon wax soo saarka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here