Saturday, July 27, 2024

Itoobiya: Maamulka Tigray oo sii daayay maxaabis ka tirsan ciidamada dowladda

Addis Ababa (Dawan)- Maamulka kumeel gaarka ee gobolka Tigray ayaa ku dhawaaqay in la sii daayay 112 maxbuus oo ka tirsan ciidamada difaaca qaranka Itoobiya kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii labadii sano ee lasoo dhaafay ka socday gobolka Tigray.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiiskii lagu saxiixay Pretoria ee joojinta colaadaha ee uu fududeeyay Midowga Afrika.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xiriirka gobolka Tigray ayaa lagu sheegay in askarta la sii daayay ay ka mid ahaayeen ilaa 16,000 oo xubnood oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya kuwaas oo soo galay gacanta Jabhadda Tigray xilligii ay colaaddu ka jirtay gobolka.

“Iyadoo la raacayo heshiiskii nabada ee Pretoria iyo hannaanka dhaqan gelinta Midowga Afrika, waxaan go’aansanay inaan sii deyno 112-kan xubnood ee ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamulka ku meel gaarka gobolka Tigray ayaa sidoo kale tilmaamay in go’aanada la xiriira askarta kale ee wali ku xiran xabsiyada gobolka Tigray la gaari doono wakhtiga ugu habboon.

Maamulka ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya in ay dhankeeda fududeyso sii deynta xubnaha ka tirsan Tigray ee ku jira xabsiyada, si loo xoojiyo kalsoonida labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here