Saturday, July 27, 2024

Itoobiya oo halgan ugu jirta in deyn cafin loo sameeeyo

Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa ka codsan doonta dowladaha ku leh deymaha in laga dhimo lacagta faraha badan ee lagu leeyahay kadib marka uu shiinuhu ka cafiyo deymaha, sida uu sheegay agaasime ku xigeenka hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Horraantii 2021, dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa codsaday dib u qaabeynta deynta lagu leeyahay iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka guud ee kooxda 20, oo ah hindise dib-u-qaabaynta deynta ee loogu talagalay waddamada dakhligoodu hooseeyo.

Horumarka Itoobiyo waxaa cakiray dagaal sokeeye oo socday labadii sano ee lasoo dhaafay kaas oo bilowday Noofambar 2020, iyada oo ay ka dhalatay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa bishii Agoosto sheegay in Shiinuhu uu u oggolaaday in Itoobiya ay hakiso bixinta deynta sannad-maaliyadeedka oo soconaya illaa 7da Luulyo, 2024.

Booqashadii ay shaqaalaha IMF ku tageen Itoobiya 25-kii Sebtember ilaa 3-dii October ayaa ku dhamaaday heshiis la’aan.

Deynta dibadda ee Itoobiya ayaa gaareysay $28.2 bilyan dhamaadkii bishii March, sida lagu sheegay xogta dowladda.

Itoobiya waxa ay la daala dhaceysaa sarrif yari iyo farqi wayn oo u dhexeeya sarrifka lacagaha qalaad ee suuqa madow iyo suuqa rasmiga ah.

Suuqyada madow, $1 ayaa hadda waxaa lagu sarrifaa ilaa 100 Birr, halka 55.35 Birr lagu kala bedesho sarrifka rasmiga ah ee dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here