Saturday, July 27, 2024

Waa imisa qiimaha kaarka Aqoonsiga?

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saartay xeer nidaamiyaha jaangoynta khidmada adeegyada Aqoonsiga Kaarka.
Sida qoraal kasoo baxay Wasaaraadda lagu sheegay, ujeedooyinka xeer-nidaamiyaha ayaa ah jaangoynta khidmadaha aeegyada Aqoonsiga Qaran ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka si loo fududeeyo adeegyada hay’dda.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo ay hay’ddu u qabaneyso adeegyada Aqoonsiga Qaranka in laga rabo in uu bixiyo khidmada adeegga loogu qabanayo ee loo jaan gooyay.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay jaantuska hoose ee noqon doona khidmada laga qaadayo qofka loo sameynayo kaarka Aqoonsiga.

Khidmada adeegyada ay bixiso hay’addu waxaa qaadi kara oo kaliya saraakiisha Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya, waxaana lagu shubi doona koontooyinka dahkiga aan canshuuraha ahayn ee Banking Dhexe ama Bankiyada kale ee ay Wasaaraddu cayinto.
Qoraalka Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu xusay in muwaadiniita saboolka ah laga dhaafay khidmada, waxaana loo sameeyay diiwaan gaar ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here