Monday, May 20, 2024

Itoobiya waxay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii M/Afrika

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur .

Waxaan canbaareynayaa falka gurracan ee curfiga diblomaasiga ka baxsan ee uu maamulka Abiy Axmed kula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Dawladda Itoobiya waxay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika ee martigelinta xarunta Midowga ee dhigaya in ay dhowrto habmaamuuska iyo xasaanadda madaxda dawladaha Midowga iyo wufuuddooda.

Inkastoo aysan ila qumanayn in Madaxweynuhu u safro Addis Ababa, haddana wuxuu ku ammaanan yahay sida uusan nugayl ugu muujin daandaansiga iyo takoorka diblomaasiyadeed ee ay dawladda Itoobiya kula kacday iyo sida uu ugu adkaysanayo difaaca gobbonimada dalka iyo madaxbannaanidiisa.

Waxaa mahad wayn mudan Madaxweynaha Dawladda Jabuuti oo garab istaagay Dawladda Soomaaliya, muujiyeyna hiil-walaaltimo.

Habdhaqanka caynkaan ahi waxuu tilmaan ka bixinaya kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed. Abiy Soomaaliya wuxuu u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda.

Shiinaha waxay dhahaan dhibku (crisis) waa seef labo afle ah, in aad cashar ka qaadato oo ay ku noolayso, ama in aad wax ka baran waydo oo ay ku wiiqdo. Allaha nagu duwo tan hore.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here