Saturday, July 27, 2024

Wariye Jamaal Maxamed Cismaan oo lagu xiray Garoowe

Garoowe (Dawan)- Ciidamada Ammaanka ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta xiray Wariye Jamaal Maxamed Cismaan kadib markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Puntland, Wariye Jamaal Maxamed Cismaan ayaa la geeyay xarunta dembi baarista ee Magaalada Garoowe, iyada oo lagu billaabay baaritaano iyo su’aalo la xiriirka ujeedaka safarkiisa.

Lama xaqiijin karo sababta ka dambeysa xiritaanka Wariyaha balse Jamaal Maxamed Cismaan oo ka howlgala TV-ga Channel 4 ee dalka UK, ayaa hore barnaamijyo uga sameeyay kooxda Al-Shabaab kadib markuu uu booqday Magaalada Jilib ee ee Gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Wariye Jamaal Maxamed Cismaan ayaa hore u sheegay in laga tarxiilay Magaalada Muqdisho, wuxuuna barahiisa bulshada ku baahiya qoraal ka dhan ah Madaxda Soomaalida.

Maamulka Puntland ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin xiritaanka wariye Jamaal Maxamed Cismaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here