Saturday, July 27, 2024

Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa oo digniin culus kasoo saaray duqeynta Gaza

Qaahira (Dawan)- Ururada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan doonta xasuuqa ay Israeli ay ka geysaneyso marinka Gaza, kadib markii ay Qaahira ku kulmeen Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen ayay ku baaqeen in si degdeg ah loo jiijiyo dagaalka iyo duqeyntaay Isarel ka wado marinka Gaza, iyada oo laa baahanyahay in la qaado tillaabo lagu gaarsiinayo gargaar bini aadanimo dadka ku dhibaateysan Gaza.

Labada urur ayaa walaac xooggan ka muujiyay amarada lagu soo rogay in ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah ee ah inay ka baxaan guryahooda, taasoo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah, waxeyna ugu baaqeen Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay go’aan adag ka istaagaan inta aysan xaaladdu farah ka bixin.

Bayaanka ururadaan ayaa lagu muujiyay dhibaatada kasoo gaartay haweenka iyo carruurta duqeymaha Israel ay la beegsanaeyso dadka rayidka ah, taas oo keeni karta xasuuq aan hore loo arag.

Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay u hoggaansamaan mabaadi’da guud ee bani’aadamnimada iyo cadaaladda, iyagoo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatada daba dheeraatay ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa soo bandhigay in xalka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo xasilooni uu yahay in la helo laba dowladood si shacabka Falastiin ay u helaan xuquuqdooda asaasiga ah.

Duqeymaha Israel waxaa ka dhashay dhimashada in ka badan 2750 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 700 oo carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 9042.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here