Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Halkaan kala soco wararka dunida oo kooban, adiga oo faahfinta iyo sheekooyin kale ka heli kara bogaga aan ku leenahay Baraha Bulshada ee Dawan TV.

Gaza

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhimatay duqeymaha cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xerada qaxootiga ee Al-Magaazi ee bartamaha Gaza, sida uu sheegay af-hayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Gaza.

Taiwan

Taiwan ayaa sheegtay in ugu yaraan 8 diyaaradood oo kuwa dagaalka Shiinaha ah in ay kasoo gudbeen khadka kala dhaxeya Shiinaha ee marin biyoodka Taiwan 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Indonesia

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacameen qarax ka dhacay warshad lagu farsameeyo Nikkel-ka oo uu Shiinuhu maalgeliyo, taas oo ku taal Bariga Indonesia, sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha dalkaas.

Ukraine

Afar qof ayaa lagu dilay weeraro ay ciidamada Ruushka ka fuliyeen gobollo kala duwan oo Ukraine ka tirsan, sidoo kalena waxaa lasoo riday 14 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn.

Australia

Kumanaan qof oo ku nool gobolka Queensland ee Bariga Australia ayaa koronto la’aan wajahaya ka dib markii duufaan xoog badan ay ku dhufatay gobolka markii labaad muddo 12 saacadood gudahood ah, sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa ilmo yar ku dilay isbitaal ku yaal Magaalada Khan Younis ee Koonfurta Marinka Gaza

Turkiga

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) ayaa ka takhalustay nin u dhashay dalka Suuriya oo magaciisa lagu sheegay Baahoz Cafriin, kaas oo ahaa hoggaamiyaha kooxda argagixisada ah ee gobolka Cayn Al-Carab ee waqooyiga Suuriya, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ee Turkiga.

Falastiin

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa ka digtay in qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku baaqaya in si deg-deg ah loo kordhiyo gargaarka bini’aadantinimo ee Marinka Gaza uu wax weyn ka tari doonin haddii aan la helin xabbad joojin

Falastiin

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in 142 shaqaalaheeda ah lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Marinka Gaza tan iyo 7-dii October.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here