Sunday, April 27, 2025

Jabuuti iyo Imaaraadka oo xoojinayo xiriirkooda Duulimaadka Rayidka

Jabuuti – Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta duulimaadka rayidka iyo amniga cirka.

Heshiiskan, oo lagu saxiixay magaalada Jabuuti, ayaa waxaa qalinka ku duugay Agaasimaha Duulimaadka Rayidka ee Jabuuti, Daauud Cali Cabdowe, iyo Agaasimaha Duulimaadka Rayidka ee Imaaraadka Carabta, Saif Mohamed.

Sida ay sheegeen labada dhinac, heshiiska ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada duulimaadka rayidka, amniga hawada, iyo casriyeynta nidaamyada duulimaadka ee labada dhinac.

Saif Mohamed, Agaasimaha Duulimaadka Rayidka ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka labada dal, isla markaana uu sare u qaadi doono wada-shaqeynta duulimaadka ee gobolka.

Dhankiisa, Daauud Cali Cabdowe, Agaasimaha Duulimaadka Rayidka ee Jabuuti, ayaa tilmaamay in heshiiskani yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga hawada, laguna horumarinayo iskaashiga dhinaca duulimaadka rayidka.

Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn wanaagsan ku yeesho xiriirka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana uu kor u qaado tayada iyo amniga duulimaadyada rayidka ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here