Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Ivory Coast oo iska kaashanaya horumarinta xuquuqda qoyska

Jabuuti (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Ivory Costa ayaa magaalada Jabuuti ku kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta qoyska iyo xuquuqda haweenka iyo caruurta.

Heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka haweenka iyo Qoyska Jabuuti, Muna Cismaan Aadan iyo dhiggeeda Ivory Costa Nasseneba Toure, oo booqasho shaqo ku joogta Jabuuti.

Wasiirka haweenka iyo Qoyska Jabuuti ayaa sheegtay in labada dal ay iska kaashanyaan xoojinta xiriirka arrimaha haweenka, carruurta iyo qoyska.
Muna Cismaan Aadan waxa ay intaas ku dartay in heshiiskaan bud dhig u yahay in labada dal kawada shaqeeyaan hormarinta qoyska iyo awood siinta haweenka si ay uga qeyb qaataan howlaha bulshada iyo nidaamka hoggaaminta ee hay’adaha dowladda.

Labada wasaaradood ayaa carrabka ku adkeeyay in ay u taaganyihiin sidii loo heli lahaa qoys ka dhisan dhinac walaba sida waxbarashada iyo caafimaadka si uu uga qeyb qaato horumarka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here