Saturday, July 27, 2024

Liberia: George Weah oo qirtay in doorashadii looga adkaaday

Monrovia (Dawan)- Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Liberia, George Weah, ayaa qirtay in looga adkaaday wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada ee Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacday dalkaas.

“Xisbigayga caawa waa lagaga guuleystay doorashooyinkii, laakiin Liberia ayaa ku guulaysatay,” George Weah, laacibkii hore ee kubadda cagta, ayaa sidaa ka sheegay khudbad laga sii daayay raadiyaha dawladda.

Waxa uu intaa ku daray, “Natiijooyinku waxa ay muujinayaan caawa (Jimce) inkasta oo aysan ahayn rasmi, in Boakai uu ku horeeyo, waxaan la hadlay madaxweynaha la doortay Joseph Boakai si aan ugu hambalyeeyo guusha uu gaaray.”

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Boakai, oo 78 jir ah, uu helay 50.98% codadkii la dhiibtay, halka George Weah uu helay 49.11% kadib markii la tiriyay codadka 99% .

Taageerayaasha madaxweynaha la doortay ayaa isagu soo baxay magaalooyiinka iyo xarumaha xisbigiisa si ay u muujiyaan farxaddooda uguna dabbaal deggaan guusha ay kasoo hooyeen doorashada.

Boakai waxa uu muddo lix sano ah madaxweyne ka sii ahaan doonaa dalka Liberia oo ay ku nool yihiin ilaa shan milyan oo qof, isla markaana lagu tiryo dalalka ugu saboolsan adduunka.

Intii u dhaxaysay 2006 iyo 2018, Boakai waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka, xilligaas oo ay Ellen Johnson Sirleaf ahayd madaxweyne.

Ellen Johnson ayaa ahayd haweenaydii ugu horreysay ee loo doorto madaxweyne dal Afrikaan ah.

Boakai ayaa dalka Liberia ka soo qabtay jagooyin dhowr ah oo isugu jira kuwa guud iyo kuwa gaar ah, waxaana looga adkaaday doorashadii 2017.

Doorashada sannadkaan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee dalka la qabto iyada oo aysan joogin Ergada Qaramada Midoobay ee Liberia, taas oo ka howl geleysay dalkaas intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2018-kii, si loo xaqiijiyo nabadda kaddib dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalkaas.

Doorashooyinkan ayaa kusoo beegmaya 20 sano kadib markii ay dhamaadeen dagaaladii sokeeye ee Liberia, oo ay ku dhinteen in ka badan 250,000 oo qof intii u dhaxaysay 1989 ilaa 2003.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here