Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo ballaarineysa xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Asia

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Sri Lanka, Ranil Wickremesinghe, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Ciise Cabdullaahi Casuume oo  noqon doona Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhi doona Sri Lanka, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.

Danjire Ciise Cabdullaahi Casuume  ayaa  farriin  uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle guuddoonsiiyay Madaxweynaha Sri Lanka, isaga oo  ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweynaha Sri Lanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjiraha cusub si sare loogu qaado xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

Tillaabadaan ayaa ka mid ah ujeedooyinka ay dowldda Jabuuti ku dooneyso in ay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka qaaradda Asia iyo guud ahaan dunida kale.

Danjire Ciise Cabdullaahi Casuume, ayaa hadda ah Danjiraha Jabuuti u qaabilsan dalka India, waxaana fadhigiisu yahay magaalada New Delhi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here