Saturday, July 27, 2024

OCHA: in ka badan 1 milyan oo qof ayuu saameeyay roobkii ka da’ay Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA oo warbixin kaso saaray xaaladdii ugu dambeysay ee roobka ka da’aya qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa sheegay in, in ka badan 1.17 milyan oo qof ay saameeyn kasoo gaaratay daadadkii iyo fatahaadihii ka dhashay roobka.

Warbxintu waxa ay tilmaantay in isbuucyadii lasoo dhaafay ay da’een roobab mahiigaan ah oo ka badan xaddigii la saadaalinayay bilaha October ilaa December, iyaga oo geystay khasaare isagu jira dhimasho iyo barakac baahasan.

Sida lagu sheegay warbixinta, waxaa ku geeriyooday roobabka ilaa 28 ruux oo ay ku jiraan 8 carrrur ah in kasta oo ay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed hore u shaacisay dhimashada 29 qof.

OCHA waxa ay sidoo kale ku sheegtay warbixinteeda in 334,800 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii, halka 2,400 oo qof laga soo daad gureeyay goobihii ay ku go’doonsanaayeen.

Gobollada Gedo, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Hiirraan ayaa ah goobaha ugu badan oo ay ka da’een roobabkii ugu dambeeyay.

Ku dhawaad nus malyuun ka mid ah dadka uu roobku saameynta ku yeeshay ayaa ku nool Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Jubaland, waxaa dhibaato soo gaaratay In ka badan 310,000 oo qof, halka tirada dadka kaalmada u baahan ee Puntland iyo Galmudug ay kala yihiin 201,000 iyo 145,800, sida ay u kala horeeyaan.

Sida loogu gurman karo dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa adag maadama ay waddooyinku burbursanyihiin qaarkoodna ay biyhu jareen inkasta oo 2,400 oo qof lagu soo daad gureeyay doomo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobollada dalka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo iyo deegaano kale oo hoostaga Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa maanta laba Doonyood u daabushay deeganadaas si loogu daad gureeyo dadka ay go’doomiyeen biyaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here