Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo Danjirihii ugu horeeyay u magacaawday Seychelles

Seychelles (Dawan)- Madaxweynaha Seychelles Wavel Ramkalawan, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Cabdi Maxamuud Heybe oo  noqon doona Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhi doona Seychelles, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.

Danjire Cabdi Maxamuud Heybe  ayaa  farriin  uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle guuddoonsiiyay Madaxweynaha Seychelles , isaga oo  ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweynaha Seychelles  ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjire Cabdi Maxamuud Heybe, isaga oo u rajeyayay inuu ku guuleysto shaqada loo soo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna ballan qaaday in dowladdiisu kala shaqeyn doonto fududeynta howlihiisa shaqo.

Danjiraha cusub ee Jabuuti oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Seychelles ayaa yiri “ Waa la ii oggolaaday inaan shaqo billaabo, waxaana ka shaqeyn doona inaan hormariyo iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal ee ku wada jira ururka COMESA iyo Midowga Afrika”.

Danjiraha ayaa intaas ku daray “Sida aad la socotaan wax badan ayaa naga dhexeeya, Seychelles waxa ay ka kooban tahay jasiirado, Jabuutina waa dal xeebeed.  Waxaan Madaxweynaha kala hadlay iskaashiga dhinacyada  amniga badda  iyo kalluumaysiga, oo ay tahay in aan  si deg- deg ah loo billaabo” .

Danjire Cabdi Maxamuud Heybe, ayaa ah Danjiraha Jabuuti ee Itoobiya iyo wakiilka joogtada  ee Jabuuti u qaabilsan Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here