Saturday, July 27, 2024

Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo ka wada hadlaya soo af-jaridda colaadda Yeman

Riyaad (Dawan)- Wafdi ka socda Kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowladda Yeman iyo isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa booqasho ku tegay magaalada Riyaad ee Sacuudi Carabiya, kadib markii ay casuumaad ka heleen Bqoortooyada Sacuudiga.

Wafdiga Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga u tegay sidii loo sii amba qaadi lahaa wada xaajoodkii u dhaxeeyay labada dhinac, si loo soo af-jaro colaadda daba dheeraatay ee sannadihii lasoo dhaafay ka jiray dalka Yeman.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay 5 bilood ka dib markii wafdi ka socda Sacuudiga uu booqasho ku tegay Sanca si ay ula  kulmeen madaxda Xuutiyiinta bartamihii bishii April.

Dowladda Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa isla gartay  dhowr qodob oo ay ka mid yihiin  xabbaad joojin, fududdeynta gaargaarka bini aadantinimo iyada oo la furayo Dekedaha, Garoomada Diyaaradaha iyo waddooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee dalka Yeman.

Qodobada ugu waaweyn ee wada xaajodka labad dhinac waxaa ka mid ah isweydaarsiga maxaabista ay kala heystaan labada dhinac iyo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Yeman.

Mas’uul ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ciidamada shisheeye ka baxaan Yeman si loo gaaro xal waara oo looga bixi karo dhibaatada hadda taagan.

Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweysay tillaabada ay Sacuudiga iyo Xuutiyiintu ku doonayaan in la gaaro heshiis dan u ah degganaanshaha Yeman iyo guud ahaan gobolka, waxeyna ugu baaqday labada dhinac inay ka shaqeeyaan sidii loo soo af-jari lahaa colaadda daba dheeraatay iyo dagaalka galaaftay nolosha dad fara badan.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale uga mahadcelisay dowladda Cumaan dadaalkeeda ku aaddan dhex-dhexaadinta iyo kaalinta ay ka qaadatay in labad dhinac isagu yimaadaan miiska wada hadalka si xal looga gaaro dagaalkaan saameynta ku yeeshay xasiloonada Jasiiradda Carabta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here