Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo gogol nabadeed u fidisay dhinacyada Suudaan isku dagaalaya

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay marti gelineyso todobaadka soo socda wada xaajood dhax mara dhinacayda Suudaan isku dagaalaya siddeedi bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa isagoo ku hadlaya arrintaas, waxa uu bartiisa “X” ku soo qoray “Toddobaadka soo socda, Jabuuti oo heysa Madaxtinimada Urur Goboleedka IGAD, waxay gogol nabadeed u fidineysaa wada hadallada Suudaan”

Wasiirka ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwa muhiim ah oo go’aan looga gaarayo colaadda Suudaan ee daba dheeraatay, basle ma sii faahfaahin.

Arbacadii Lasoo dhaafay. Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku wargelisay in dib loo dhigay kulankii Madaxweynaha Golaha Qaranimada Suudaan, Cabdifataax Al-Burhan, uu la yeelan lahaa Taliyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah, Maxamed Xamdaan Daglo ilaa bisha Janaayo.

Kulanka labada dhinac ayaa la qorsheynayay inuu Caasimadda Jabuuti ka dhaco Khamiista la soo dhaafay, si loo soo afjaro dagaalka labada dhinac ka dhax qarxay tan iyo bishii April ee la soo dhaafay.

Dowladda Jabuuti ayaa ku mashquulsaneed isbuucaan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo laga yaabo in ay baajisay kulankii Suudaanta ee lagu ballansanaa Khamiistii lasoo dhaafay.

Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada deg-dega ah waxay galeen dagaal ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof iyada oo ay ku barakaceen in ka badan 6 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan Gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here