Saturday, July 27, 2024

Naafanimado kama dhigna awood la’aan

Baydhabo (Dawan)- Ismaaciil Xasan Xuseen waa 60 sano jir, aragga naafo ka ah, wuxuuna ku nool yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ismaaciil waxa uu lasoo kulmay dhibaatooyin tira badan balse isma dhiibin kamana quusan nolosha ee waxa uu dhaxda u xirtay sidii uu u masruufi lahaa qoyskiisa oo ka kooban Xaaskiisa iyo toban carruur ah.

In ka badan kala bar noloshiisa, Ismaaciil waxa uu ku howlanaa ganacsi yar, isaga oo iibin jiray Cadayga uu kasoo iibsado dadka ka keena baadiyaha fog. In kasta oo uu aragga naafo ka yahay oo uu laftiisu u baahan yahay caawinaad, haddana waxa uu ku guulaystay in uu maareeyo nolosha qoyskiisa muddo 32 sano ah.

Go’aanka Ismaaciil uu qaatay ee ah inuu shaqeysto, waxa uu meesha ka saaray in qofka indhoola ah uusan gargaar ka sugin dadka kale, waxa uuna beddelay aragtida laga heystay dadka aan waxba arki karin ee ahayd in ay u baahanyihiin qof hoggaamisa iskaba daaye in ay shaqeystaan.

Ismaaciil waxa uu seddexdi xabbo ee Cadayga ku iibiya 6,000 oo Shilin Soomaali ah oo u dhiganta 0.25 dollar. In kasta oo uu dakhligiisu yar yahay, haddana waxa uu ka helaa wax uu ku maareeyo nolol maalmeedka qoyskiisa.

Sida uu u sheegay Dawan TV, waxa uu maalintii ka hela shaqada Cadayga lacag u dhaxaysaa 100,000 ilaa 150,000 oo Shilin Soomaali ah una dhiganta lacagta dollar-ka ah 4 ilaa 6 dollar.

“Qof kasta oo bulshada ka tirsan ayaa u baahan Cadayga, waxay u isticmaalaan inay ku nadiifiyaan ilkahooda. Ganacsigaan waxaan doortay 33 sano ka hor markii aan noqday qof naafo ah ka ah aragga . Waxaan go’aansaday in aan halkaan fadhiisto oo aan iibiyo Cadayga si aan u masruufo carruurtayda,” ayuu yiri Ismaaciil.

Ismaaciil waxa uu sheegay in uu la kulmo caqabado badan, sida in mararka qaar laga iibsan waayo Cadayga kadib uu ka qallalo iyo in la waayo Cadayga laga keeno baadiyaha xilliyada qaarkood taas oo dhibaato ku ah habsami usocodka ganacsigiisa.

Iyada oo ay jiraan caqabadahaas, hadana waxa uu Ismaaciil weli ku dadaalayaa siduu u dabooli lahaa baahi maalmeedka qoyskiisa.

“Waxaad arkaysaa in aan gacmahayga ku shaqeeyo oo aan wax ku helo aniga oo iibinaya Cadayga. Mararka qaarkood waxaa la kulmaaa Khasaaaro, waana kasii socdaa” ayuu yiri, Ismaaciil.

Ismaaciil Xasan waxa uu dadaal xooggan ugu jiraa sidii uu taageero ugu heli lahaa ganasigiisa, isaga oo ugu baaqay Ururada Samafalka iyo Hay’adaha taageera dadka taagta daran in ay ka caawiyaan horumarinta ganacsigiisa iyo wax ka beddelka noloshiisa.

“Waxaan isku dayay dhowr jeer inaan taageero helo, laakiin kuma guuleysan. Waxaan doonaya inaan horumariyo oo aan wax ka beddelo ganacsiga haddii aan kaalmo ka helo deeq-bixiyayaasha ama hay’adaha samafalka ah. Waxaan ku shaqeynayaa duruufo aad u adag,“, ayuu Ismaaciil raaciyay hadalkiisa

Ismaaciil Xasan waxa uu ugu baaqay Hay’adaha samafalka in ay caawiyaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ay saameyntu kasoo gaartay masiibooyina dabiiciga ah kuwaas oo ku nool kaamamka iyo goobaha ay ku barakaceen, isaga oo yiri,

“Waxaan ka codsanayaa bulshada iyo dadka samaha jecel inay i garab istaagaan aniga, dadka kale ee naafada ah, kuwa jilicsan ee ku jira kaamamka iyo kuwa kusoo barakacay gudaha Magaalada. Taas waa codsigeyga”.

Ismaaciil Xasan waxa uu muujiyay adkaysi iyo dulqaad, waxa uuna tusaale u noqday dadka asagiisa ah ee qaba baahiyaha gaarka ah, isaga oo caddeeyay in naafanimadu aysan ka dhigneyn awood la’aan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here