Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo marti gelineysa shirka dowladaha ku bahoobay AREI

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa marti gelienysa maalinta berri ah kal fadhiga shanaad ee dalalka Afrika ee ku bahaoobay ururka Hindisaha Afrika ee dhinaca Tamarta dib isku cusbooneysiisa ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano AREI.

Shir hor dhac ah oo ay kasoo qeyb galeen wakiilaada dalalka ku habhoobay ururkaas ayaa maanta qabsoomay, waxaana looga hadlay arrimaha la xiriira farsamada iyo qodobada hor u tebinta u leh shirka heerka wasiir ee berri furmi doona.

Xoghayaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Jabuuti Maxamed Kiile Waceys ayaa sheegay in kulanka maanta uu hor dhac u ahaa shirka berri dhici doona, isaga oo tilmaamay in dowladda Jabuuti horumar wanaagsan ka sameeysay sannadihii lasoo dhaafay dhanka Tamarta dib isku cusbooneysiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here