Washington D.C. – Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa ka qaybgalay 24 April 2025 madal muhiim ah oo lagu qabtay shirweynaha sanadlaha ee Bangiga Adduunka, taas oo diiradda lagu saarayay xoojinta amniga cuntada iyo abuurista shaqooyin Afrika.
Kulanka oo cinwaankiisu ahaa “Xoojinta Amniga Cuntada iyo Shaqooyinka Afrika,” waxaa ka qeybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, iyo Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Tanzania.
Doodaha ayaa xoogga saaray doorka gaadiidka ee kobcinta silsiladaha sahayda ee Afrika. Wasiir Dawaaleh ayaa khudbadiisa ku muujiyay caqabadaha hor taagan dekadda Jabuuti oo muhiim u ah ganacsiga gobolka iyo caalamka, isagoo sidoo kale xusay xarunta ugu weyn ee WFP ee gobolka oo Jabuuti ay maalgelisay si kor loogu qaado adkeysiga amniga cuntada.
Wasiir Dawaaleh wuxuu ku baaqay in la maalgeliyo wadooyinka gaadiidka si loo kiciyo koboca dhaqaale, loo abuuro shaqooyin, loona xoojiyo adkeysiga sahayda cuntada, gaar ahaan iyadoo lala tacaalayo saameynta isbedelka cimilada iyo caqabadaha dhaqaale.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan daneeyayaasha gobolka inay xoojiyaan iskaashiga si loo hagaajiyo qulqulka logistiga loona xaqiijiyo sahayda cuntada ee dadka nugul,” ayuu yiri Wasiir Dawaaleh.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee Bangiga Adduunka iyo WFP si loo helo xalal waara oo wax ka qabta caqabadaha amniga cuntada ee Afrika.