Saturday, July 27, 2024

Jig-jiga oo laga billaabay bixinta aqoonsiga casriga ah

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Dowlada Deegaanka Soomaalida waxa markii ugu horraysay laga billaabay bixinta aqoonsiga casriga ah ee (National ID).

Aqoonsigaan oo sannadkii la soo dhaafay ay si rasmi ah u shaacisay Dowladda Itoobiya ayaa beddel u noqonaya aqoonsiga warqadda ah ee “matawaqaha” loo yaqaanno.

Nidaamkaan casriga ayaa sahlaya in qaab digital ah ay u kaydsanaato xogta qofka muwaadinka, iyada oo laga qaadayo faraha iyo indhaha.

Munaasibad ka dhacday Magaalada Jig-jiga ayaa lagu soo bandhigay faa’iidada uu barnaamijka aqoonsiga casriga ah u leeyahay adeegyada bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan Faarax iyo mas’uuliyiin kale ayaa qayb ka noqday dadka ugu horreeyay ee qaata kaarka aqoonsiga.

Dowladda Itoobiya ayaa qorshaysatay in la diwaangeliyo islamarkaanka ay aqoonsiga casriga ah qaataan 70 milyan oo ka mid ah dadweynaha Itoobiya.

Wasriirka Dakhliga ee Deegaanka Soomaalida, Cabdicasiis Axmed ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb weyn ka qaadanayso dakhli-ururinta deegaanka Soomaalida, maaddaama ay isku xidhan yihiin aqoonsiga shakhsiga ah iyo shatiga ganacsiga.

Shacabka ku nool deegaanka Soomaalida ayaa wakhti badan ay kaga bixi jirtay qaadashada aqoonsiga oo laga bixin jiray kaliya Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, balse waaxdaan cusub ayaa suurtagal ka dhigaysa in dadweynaha deegaanku si fudud ku qaataan aqoonsiga.

Dad aad u tiro badan ayaa la filayaa in ay dhawaan qaataan kaararaka aqoonsiga, si ay ugu fududaato adeegayda ay u baahanyihiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here