Saturday, July 27, 2024

Ismaamulada Kenya qaarkood oo ay soo wajahday cunno yari

Mandheera (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in toddobo Ismamul ay halis ugu jiran cunto yari taas oo ka dhalatay dhibaatadii weyneed ee roobabku u geysteen dalagyadii beeraha bilihii lasoo dhaafay.

Ismamulada kala ah Lamu, Tana River, Garissa, Mandhera, Wajeer, Homabay, iyo Kitui ayaa wajahaya cunno yari kadib markii ay soo gaartay khasaaro dhanka dalaga beeraha ah oo lagu qiyaasay lacag dhan 16.3 bilyan oo shilinka Kenya ah.

Warbixin kasoo baxday Guddiga Gurmadka  iyo ka falcelinta khasaraha daadadka ee El-Nino ayaa lagu  sheegay in in ka badan 6,000 oo neef oo xoolo ah ay ku dhinteen daadkii ku dhufta guud ahaan dalka.

Dadka ku nool Ismaamuladaan ayaa noloshoodu ku tiirsantahay beeraha iyo xoolaha, waxaana xilligaan soo foodsaartay nolol adag kadib markii ay daadadku dhibaato u geytseen dalaggi iyo xoolihi.

Sidoo kale warbixinta Guddiga ayaa  xustay Khasaare nafeed oo ka dhashay roobabka iyada oo ku dhinteen dad gaaraya 174 qof kuwaas oo ay ku jiraan 41 carruur ah iyo 133 qof oo ahaa dad da’ ah.

Waayadii u dambeysay waxaa hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta Kenya, iyada oo taasina kasii qeyb qaadaneyso culeyska heysta dadka ku nool Ismaamulada ay ka jirto cunna yarida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here