Saturday, July 27, 2024

Kenya oo 2 safiir u kala magacaawday Soomaaliya iyo Somaliland

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa labo Safiir u soo kala magacaabay Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii Golaha Wasiirada dalkaas ay sameeyeen isku shaandheyn iyo magacaabista safiirada in ka badan soddon dal.

Ruto ayaa Cabdiweli Maxamed Xuseen u magacaabay safiirka Kenya u fadhin doona Somaliland, halka Kiringo Kubia usoo magacaabay safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa April 23, 2022 magacaabay safiirada 24 dal iyada oo liiska magaabistiisa ay ka muuqatay in Somaliland tahay dal ka madax bannaan Soomaaliya, halka William Ruto uu qaatay siyaasad ka duwan Madaxweynihii ka horeeyay taas oo ah in Cabdiweli ka shaqa geli doono Hargeysa oo ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa hadda ah mid xooggan, halka dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo uu jiray mugdi iyo xurguf siyaasadeed, taas oo keentay in ay Kenya xoogga saarto xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Ma jirto ilaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku saabsan go’aanka ay Kenya ugu soo magacaawday labaan mas’uul Hargeysa iyo Muqdisho.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.
Dhowr isku day oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneesay midnimo kale mudadaas ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray midowga Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhawaan caddeysay mowqifka nuuca wada hadal ee ay le geleyso Soomaaliya, iyada oo meesha ka saartay qorshaha ah in laga wada hadal midnimo.

Hadalkaan ayaa daba socday kadib markii Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni uu sheegay inuusan taageereynin qorshaha ay Somaliland ku dooneyso in ay uga go’do Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here