Kismaayo (Dawan)- Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland ayaa soo saartay amar ah in dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada duulimaadyada ay waajib ku tahay inay raacaan tilmaamaha Wasaaradda isla markaana ay si toos ah ula shaqeeyaan maareeyayaasha garoomada ee magacaabis ka haysta dowlad goboleedka Jubaland.
Amarka ayaa dhigaya in shirkaduhu aysan saman karin duulimaadyo haddii aysan helin ogolaanshaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland. Sidoo kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka Jubaland ayaa lala socodsiiyay inay ka digtoonaadaan in ay ogolaadaan duulimaadyada iyagoo aan la tashan maareeyeyaasha wasaaradda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ka digtay in tallaabo adag laga qaadi doono diyaaradaha ku xadgudba amarkan, iyadoo laga mamnuuci doono inay dib ugu noqdaan gudaha Jubbaland.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xiisadda dowladda federaalka iyo Jubaland ay cirka isku sii shareertay maalmihii lasoo dhaafay kadib markii ciidamo ka amar ka qaata dowladda federaalka la geeyay deegaanka Raas Kambooni ee degmada Badhaadhe.