Wednesday, December 4, 2024

Dagaalka Suuriya oo laba kacleeyay iyo jabhadaha oo qabsaday goobo horleh

Dimishaq (Dawan)- Kooxaha hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Suuriya ayaa qabsaday 108 goobood oo ka tirsan gobollada Xalab (waqooyi) iyo Idlib (waqooyi-galbeed) iyada oo u socdo dagaal u dhexeeya kooxahaan iyo ciidamada dowladda maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Deegaanada ay qabsadeen kooxahan hubeysan ayaa lagu qiyaasay inuu yahay ugu yaraan 850 km² oo ka tirsan labada gobol ee Xalab iyo Idlib. Goobaha muhiimka ah ee ay qabsadeen waxaa ka mid ah magaalada Saraaqib, taasoo ah magaalo muhiim ah oo isku xirta waddooyinka Xalab, Laadiqiya iyo caasimadda Dimishaq . Kooxahan hubeysan ayaa sidoo kale galay bartamaha magaalada Xalab, iyagoo qabsaday xaafado muhiim ah.

Dhanka kale, duqeyn hawada ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa lagu dilay ugu yaraan 8 xubnood oo ka oo ka tirsan ciidamada ka goostay dowladda ee dagaalka kula jira. Duqeyntan ayaa dhacday shalay oo Jimco ahayd.

Dagaalka oo billowday maalintii Arbacada ayaa weli ka socda waqooyi galbeed ee Xalab, waxayna jabhadu qabsanayan deegaano iyo magaalooyioin istiraatiiji ah oo qaarkood horay looga saaray dhowr sano ka hor.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here