Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kismaayo: Dib u doorashada Axmed Madoobe iyo dowladda oo ciidan gaysay Raas-kambooni

Axmed Maxamed Islaam ayaa markii seddexaad ku guuleystay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Dowladda Federaalka oo kasoo horjeeday hanaanka doorashooyinka Jubaland ayaa maanta ciidan gaysay Raas-kambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Muqdisho: Xakamaynta hubka sharci darrada ah

Shir looga hadlayay xakameynta hubka sida sharci darrada ah dalka ku soo gala oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Jigjiga: Xuska ladagaallanka xadgudubyada kadhanka ah haweenka

Xuska 16-ka maalmood ee loo asteeyay maalinta caalamiga ah ee ladagaallanka xadgudubyada kadhanka ah haweenka ayaa lagu qabtay magaaladda Jigjiga.

Jabuuti: Xoojinta teknoolojiyadda

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta daah-furay beerta teknoolojiyadda, oo ay leedahay shirkadda gaarka loo leeyahay ee TO7 Network, taasoo ka shaqaynaysa teknoolojiyadda cusub iyo Isgaarsiinta

Kenya: 63 qof oo laga soo daadgureeyay Lubnaan

Dowladdda Kenya ayaa 63 qof kasoo daadgureysay dalka Lebanon oo ay Israel ka waddoo weerarro isdaba joog ah oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Malawi: Mudaaharaad looga soo horjeedo shidaal la’aan

Booliska Malawi ayaa maanta u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dad mudaaharaadayay kuwaas oo dalbanayay in wasiirka tamarta uu is casilo iyadoo ay jirto shidaal la’aan saameeyay nolosha dadka muddo bil ah.

Indonesia: Daadad sababay dhimashada 16 qof

16 qof ayaa ku dhintay, daad xoogan oo ku dhuftay jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia.

Uruguay: Murashaxa mucaaradka oo ku guulestay doorashada madaxtinimada

Musharrixii mucaaradka, Yamando Orci ayaa ku guuleystay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimo ee ka dhacday dalka Uruguay. Dhankiisa, Alvaro Delgado, oo ah musharraxa xisbiga talada haya ayaa qirtay in laga guuleystay.

Masar: Doon ay saarnaayeen dalxisayaal oo degtay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in ilaa hadda la helay 16 qof oo ka mid ah dalxiisayaal gaarayay 45 kuwaas oo doontii ay la socdeen ku degtay xeebaha gobolka Badda Cas ee Masar. Waxaa socda baadi goobka loogu jiro sidii loosoo badbaadin lahaa dadka kale ee maqan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here