Saturday, July 27, 2024

Ka doodista 4-ta cutub ee ugu horeysa Dastuurka oo lasoo gabagabeynayo

Muqdisho (Dawan)- Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Sabti ah soo gabagabeeyaan   doodda cutubyada afarta ah ee wax ka bedelkooda lasoo jeediyey.

Kulankaan ayaa ah mid si gaar ah isha loogu wada hayo , maadaama  ajandaha kulanka  maanta uu yahay  dhameystirka doodda ku aadan  wax ka bedalka Dastuurka gaar ahaan afarta cutub  ee ugu horeysa,

Sidoo Kale waxaa xusid mudan in kulankaan uu muhiim u yahay qabya tirka Dastuurka dalka, iyada oo la filayo hadii uu  buuxsamo kooramka Baarlamaanka in lasoo gabagabeeyo qeybta ugu horeysa ee qabyo tirka Dastuurka.

Cutubyada laga doodayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa diiradda saaraya nidaamka doorashooyinka, dhisidda axsaabta siyaasadeed iyo mudada xil heynta hay’adaha Dastuuriga ah.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo maalmihii lasoo dhaafay la dareemayay dhaqdhaqaayada siyaasiyiinta mucaaradka kuwaas oo ka biya diidan hannaanka lagu wado wax ka bedelka Dastuurka.

Siyaasiyiin ay ugu waaweynyihiin Madaxweynayaashi hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeyay hoggaanka dowladda inuu ka shaqeynayo kala qeybinta bulshada iyo wax ka bedelka nidaamkii federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre  ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay ka mira dhalinta dadaaladda lagu dhameystirayo Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here