Saturday, July 27, 2024

Kaalinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dhanka shaqa abuurka

Muqdisho (Dawan)- Tirada dadka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 15 milyan oo ay ka shaqeeyaan kaliya 20% waxaana lagu qiyaasa celceliska mushaharkooda in uu yahay 100 USD bishii, taas oo dhiganta wax ka yar 0.3 USD maalintii.

Arrinkaan ayaa muujinaya heerka nolsoha iyo faqriga ku baahsan bulshada dhaxdeeda.

Jaamacadaha Soomaalida ayaa soo saara kumannaan arday sannad kasta kuwaas oo hardan u gala fursadaha shaqo ee suuqa ka jira, iyada oo ay badankood ku hungoobaan hanki shaqo ee ay lahaayeen ama in ay shaqo ku helaan wixi ay soo barteen.

Shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxaa sabab u ah in aysan ka jirin ganacsiyo waaweyn kuwaas oo awood u leh in ay shaqaaleysiiyaan tiro badan, Fursadaha hay’adaha dowladda oo xaddidan iyo Jaamacadaha oo aan soo saarin arday awood u leh in ay sameeyaan hal abuur ay naftooda ku maareeyaan.

70 % dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasa in ay yihiin dhallinyaro, kuwaas oo qaar ka mid ah ay kasoo baxeen Jaamacadaha kala duwan ee dalka badankoodna waa bilaa shaqo.

Shaqo la’aanta heysata dhallinyarada waxa ay keeni karta khatar weyn oo ah dhanka amniga iyo xasiloonida dalka iyo in dhallinyarada qaarkood naftooda ku biimeeyaan tahriib.

Sida lagu sheegay cilmi-baaris uu sameeyay Maxamed Saney Dalmar sannadkii 2017-kii, waxaa lagu ogaaday in in ka badan 60% dhallinyarada Soomaaliyeed ay qorsheeynayaan in ay dalka ka baxaan si ay u helaan nolol wanaagsan.

Hadaba waa maxay kaalinta dowladda iyo shirkadaha gaar loo leeyahay, si wax looga beddelo tirada dadka shaqo la’aanta ah?

Kaalinta Dowladda

Sida uu sheeegay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya, shaqaalaha dowladda ee rasmiga ah waa 6000 oo qof, waxaana celceliska mushaarkooda lagu qiyaasaa 500 USD bishii, taas oo muujineysa in shaqaalaha ugu mushaarka badan Soomaaliya ay yihiin kuwa ka howlgala hay’adaha dowladda.

Shaqaaleysiinta rasmiga ah ee dowladda waxaa la billaabay 2013 laakin waxaa la joojiyay 2016, iyada oo la eegayo heshisyada dhanka dib u habeynya hay’adaha maaliyada iyo qorshaha deyn cafinta.

Dhawaan xukuumadda Soomaaliya waxa ay ansixisay miisaaniyad ka badan hal bilyan oo doolar, waxaana ku jira mushaarka Macallimiin ay qaadatay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya kuwaas oo ku biiraya shaqaalaha dowladda. Sida Wasaaraddu hore u sheegatay tirada la qaatay waxa ay gaareysaa ku dhawaad 3000, balse waxaa laga yaaba in lasii badiyo sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barrre

Kaalinta Shirkadaha gaarka loo leeyahay

Shirkadaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa ah goobaha ugu badan ee bixiya fursadaha shaqo, waxaana lgu qiyaasa in ku dhawaad 90% shaqaalaha Soomaaliyeed ay u shaqeeyaan shirkadaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Tusaale ahaan, shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliya ee Hormuud waxa ay shaqaaleysiisaa 10,000 oo qof, taas oo ku dhow laba jibbaar tirada shaqaalaha hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Arrintaan waxay marqaati dhab ah u tahay in ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya uu yahay laf dhabarta nolosha dalka, sidoo kalena uu daboolay baahiyo badan.

Maxamed Noogsane oo ah madaxa shaqaalaha ee Hormuud, waxa uu aamisanyahay in ay tahay waajib saaran in dadka Soomaaliyeed loo sameeyo shaqo, isaga oo xusay in Hormuud ay tahay shirkadda ugu weyn ka shaqeysa guuda ahaan Soomaaliya.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay waxa ay qabteen adeegyo badan oo ay ahayd in ay dowlad qabato, waxayna sidoo kale kaalin muuqata ka qaateen in ay shaqo abuur ay u sameeyaan tira badan kuwaas oo ku guuleystay maareynta nolsha qoyskooda.

Haddii la isku daro dadaallada dowladda iyo Shirkadaha gaar loo leeyahay ee dhanka fursadaha shaqo, waxaa mustaqbalka la yareyn karaa shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya, taas oo keentay in dhallinyardu ay dalkooda ka cararaan iyaga oo doonaya in ay helaan nolol ka wanaagsan tan ka jirta dhulkooda hooyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here