Saturday, July 27, 2024

Ruushka oo Gargaar cunto ugu deeqay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Ruusha ayaa sheegtay in ay usoo dirtay Soomaaliya markab sida 25 kun oo tan oo qamadi ah taas oo ka dhigan gargaar cunto oo loogu tala galay in wax looga qabto cunno yarida ka dhalatay saameynta dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Arrintaan waxaa sii xaqiijiyay, Danjiraha Russia u fadhiya Jabuuti, isla markaana Soomaalia ka wakiil ah, Mikhail Golovanov oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Sida uu caddeeyay Danjire Mikhail Golovanov, Markabka ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha socda, iyada oo la filayo in qeyb kale oo gargaar ah jiri doonaan.

Wasiirka Beeraha ee Ruushka, Dmitry Patrushev ayaa billawgii bishaan November shaaca ka qaaday in ay kasoo baxayaan dalkiisa labadii markab ee ugu horeeyay oo sida qamadi, kuwaas oo ku wajahan Soomaaliya iyo Burkina Faso.

Patrushev ayaa yiri, sida laga soo xigtay wargayska Russia Today news “Labadii markab ee ugu horeeyay oo midkiiba sido 25,000 oo tan, waxay ka tageen dekedaha Ruushka, iyagoo ku sii jeeda Soomaaliya iyo Burkina Faso.”

Wasiirka Ruushka ayaa tilmaamay inuu rajaynayo in labada markab ay gaaran labada waddan uu xusay dhamaadka bisha November iyo bilowga bisha December ee sanadkaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in maraakiib sida qamadi ay sidoo kale u diri doonaan wadamo kale oo Afrika ka tirsan, sida Zimbabwe, Mali, iyo Eritrea ka hor dhamaadka sanadkaan.

Patrushev ayaa xaqiijiyey in dowladda Ruushku qorsheyneyso in ay u dirto Afrika ilaa 200,000 oo tan oo qamadi ah, si ay wax u qabato cunno yarida ka jirta qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here