Saturday, July 27, 2024

Kalfadhigii 44-aad ee Golaha Wasiirada Afrika oo ka furmay Addis Ababa

Addis Ababa (Dawan)- Shirkii 44-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka billaawday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa ka qeyb gelaya shirka, iyada oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu safar ku tago Itoobiya tan iyo markii uu bilaawaday khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Cali Cumar Cali (Balcad) oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysatay in Ciidamada xoogga dalka loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo cirib tirka kooxaha Al-Shabaab, sida ay tebisay Wakaaladda Qarananka Soomaaliyeed ee SONNA.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu diiyaar garowday la wareegidda amniga guud ee dalka ka dib bixitaanka ATMIS.

Sidoo kale, Kalfadhiga 37-aad ee shir Madaxeedka Midowga Afrika (AU) ee diiradda lagu saarayo waxbarashada ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa ka dhaco maalmaha 17-ka illaa 18-ka February 2024-ka.

Sannadkaan 2024-ka, Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in uu ahmiyad gaar ah siiyo waxbarashada iyo tababarrada iyadoo halku dhigga sannadka laga dhigay Waxbarashada Afrika ee la jaan qaadi karta Qarniga 21-aad, iyada oo la hiigsanayo Dhisidda Nidaamyo Waxbarasho oo tayo leh si loo baahiyo Waxbarashada.

Midowga Afrika ayaa aaminsan in guusha laga gaaro waxbarashada ay saameyn weyn ku yeelan doonto qeybaha ay kala duwan ee nolsha sida amniga, horymarka bulshada, awood siinta haweenka, dhinacyada beeraha, dhijitaalka iyo arrimo kale oo badan.

Waxaa la filayaa in Midowga Afrika uu ka doodo siyaasadda qabyada ah iyo istaraatiijiyadda ku saabsan iskaashiga ay la leeyihiin dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa kulanka go’aan looga gaari doona warbixinta uu soo gudbinayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ku aadan in Sanduuqa Nabadda Afrika uu howl galo.

Inkastoo dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay qorsheynayaan inay u ururiyaan 400 oo milyan oo dollar oo loogu talagalay sanduuqa nabadda, haddana sanduuqa ayaa awooday inuu uruuriyo 361 milyan oo doolar oo keliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here